Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koofur Afrika

0

Dalka Koofur Afrika waaxaa xalay lagu dilay muwaaddin Soomaaliyeed oo goob ganacsi ku lahaa Magaalada Capetown ee dalkaasi.

Muwaaddinka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay C/Fataax Axmed Oogle, oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee dalka Koofur Afrika.

C/Fataax ayaa la sheegayaa in ay dileen koox Burcad ah oo ku weerartay dukaan uu ku lahaa Magaalad Cape town.

Waxaa uu ku biiray boqolaal Soomaali ah oo naftooda ku waayay dalka Koofur Afrika iyaga oo dukaamadooda ay ku weeraraan Burcad hubeysan oo dukaamada dhaca.

Dalka Koofur Afrika waxaa ka socda beegsiga dad ajaanibta ah waxaana dharaar cad la boobaa Dukaamada iyada oo dilalka dadka ajannabiga ahna ay joogto ka yihiin dalkaas.