AKHRISO:- Khilaaf soo kala dhex galay Mas’uuliyiinta Galmudug ee Dhuusamareeb

0

Wasiirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Saalax Cabdullaahi Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa beeniyay hadalkii kasoo baxay Ahlusunna ee ku aadana in xubno ka mid ah Al-Shabaab ay ka qeyb galayaan Shirka dib u heshiinta maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in Shirka Golaha Wasiiradda Galmudug Ahlusunna ay ka been abuurtay, islamarkaana qodobo aan looga hadlay ay Warbaahinta la wadaagtay xilli ay dooneysay in la burburiyo Wadahadallada ka socda Dhuusamareeb.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin dad Al-Shabaab ah oo soo gaaray Dhuusamareeb, islamarkaana Ergooyinkii ka qeyb galayay Shirka dib u heshiinta Galmudug ay sheegeen in Al-Shabaab lagu tilmaamay.

Khilaafka cusub ayaa soo gala dhex galay Mas’uuliyiinta Ahlusunna ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana qeyb ka ahaa golaha Wasiiradda maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Galmudug Gudaha Galmudug Duraan Maxamed Samatar ayaa shalay sheegay in Ergooyinka shirka dib u heshiisinta Galmudug ay tageen deegaano ay maamulaan Al-Shabaab,isla markaana ay la dhex imaan doonaan dhismaha Maamulka Cusub ee Galmudug,isla markaana laga cabsi qabo in Xubno la Shaqeeya Al-Shabaab ay ka mid noqdaan Galmudug.

Hadalka Wasiirka ayaa cabsi ku abuuray ergooyinka ku sugan Dhuusamareeb ee ka qeyb gali doona Shirka dib u heshiisiinta Galmudug.