AKHRISO:- Ahlusunna oo dhaqdhaqaaqyo Ciidan ka wada Dhuusamareeb

0

Ciidamo taabacsan hoggaanka Ahlusunna Waljamaca ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan waxaa ay ka wadaan xalay ilaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Ciidamada ayaa la arkayay iyagoo gaaf wareegaya xaafadaha iyo duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay rumaysanyihiin in ciidamadaasi ay yihiin kuwo daacad u ah hoggaanka Ururkii Ahlusunna Waljamaaca ee dhawaan heshiiska la gaaray dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Hoggaanka Ahlusunna ayaa shalay ku dhawaaqay in guud ahaan dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii ay horay ula gaartay Ahlusunna.

Waxaa ay sidoo kale ku amreen Ciidanka Ahlusunna ay dib ugu soo laabtaan xeryahooda, maadaama dowladda dhexe ee Soomaaliya ay rabto in Magaalada ay keento Ciidamo Amisom ah arintaasi ay si weyn uga soo horjeeddaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inay qarameysay ciidamadii Ahlusunna ee gacanta ku hayey amaanka magaalooyin ay ugu waaweyihiin Gurceel iyo Dhuusamareeb, intaas kaddibna waxay Ahlusunna iyo dowladduba si wada jir ah u sheegeen in amaanka magaalada caasimadda u ah maamulka dhismihiisa lagu howlanyahay ee Galmudug ay la wareegtay dowladda dhexe ciidamada sugayana ay si toos ah uga amar qaada doonaan dowladda federaalka.