SAWIRRO:-Puntland oo soo Bandhigtay Ciidan iyo Salkaal kasoo goostay Soomaliland

0

Mas’uulin ka tirsan maamulka  Puntland ayaa maanta oo soo dhaweeyay taliye Guray Cismaan Saalax iyo dhamaan Ciidinkiisa oo saaka ka soo wareegay Somaliland, islamarkaana ahaa Taliyihii aaga Badhan ee Somaliland, dhamaan Ciidankiisii iyo agabkoodii dagaalka.

“War kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in  Xukuumadda Madaxweyne Deni oo ku Guulaystay in Cutubyadii Ciidan ee Ku sugnaa Gobolla Sanaag ee ka amar qaadan jiray Somaliland ay lawada wareegto.

Talabaadan waxay kamid noqon isbedelka Weynaa ee ku dhacay Gobolka Sanaag Inta uu xilka qabtay Madaxweyne Deni, waxayna yareysay saameyntii Maamulka somaliland ku lahaa gobolka.”  Ayaa lagu yidhi Warbixinta.

Puntland iyo Somaliland waxaa u dhexeeya Loolan ku aadan  Gacan ku haynta gobolka Sanaag, waxaana dhowaan lagu Weeraray  Deegaanka Hadaftimo  Gudoomiye Cusub oo Somaliland usoo magacowday   Badhan, Kadib markii Gudoomiyihii Hore  iyo saaraakiil Ciidan ay ku biireen Puntland taasi oo keentay inay Wiiqanto Saamayntii Somaliland ku lahayd deegaanka.