Jubbaland oo Deegaannadeed ka mamnuucday Odayaal la kulmay Al Shabaab

0

Saraakiisha ammaanka maamul goboleedka Jubbaland ayaa go’aan adag ka qaatay odayaashii dhowaan ay cafiska u fidiyeen Al-Shabaab, waxaana ay u diideen inay dib ugu soo laabtaan deegaanada maamulkaasi.

Maamulka magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ku xayiran yihiin duleedka magaalada Beledxaawo qaar ka mid ah Odayaal lasoo kulmay Al Shabaab.

Illaa 24 odayaal ayaa la sheegay in haatan ay ku xayiran yihiin duleedka magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, kuwaasi oo laga hor istaagay in ay gudaha magaalada usoo galaan.

Qaar kamid ah Odayaashan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay u fuliyeen amarada Al Shabaab sababo amni dartood, islmarkaasina waxa ay ka dalbadeen madaxda maamulka Jubbaland iyo kan Dawladda Dhexe in ay arrintan soo farageliyaan maadaama ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan guryahooda, xaasaskooda iyo carruurtooda.

15-kii bishii hore ee July sanadkan ayay ahayd markii Al-Shabaab ay soo saareen bayaan ka dhan ah ergadii soo dooratay xildhibaanada Soomaaliya, waxaana markaasi kadib deegaanadooda tegay odayaal badan oo iska soo iska diiwaangeliyey halkaasi.