JAMAL OSMAN: Weriye ka habaabay mihnadda Saxaafadda oo ku kor dhacay siyaasadaha dhutinaya ee K/Soomaaliya

0

Marka hore waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayaa Jamal Osman oo ah weriye iyo filin sameeye ka howlgala inta badan dalalka Africa, iyadoo dhowaan laga eryay Telefishanka Chanel4 ee laga leeyahay dalka Ingiriiska kaasi oo muddo sanooyin ah u shaqeynayay.

Weriye Jamaal Muxumad Cusmaan dhalasho ahaan wuxuu ka soo jeedaa gobolada uu ka taliyo maamulka Puntland, hase yeeshee ku dhowaad muddo toban sano ah aan tegin degaanada uu ka soo jeedi markii ay isku dhaceen maamulka Puntland.

Ilaa iyo haatan lama garanayo sababta ka dambeysa inuu tegi waayo gobollada W/Bari Soomaaliya tan iyo markii ay isku dhaceen maamulka Puntland oo weriye Jamaal ka mamnuucay inuu cag soo dhigo degaanada ay ka taliyaan, iyadoo loo jeediyay eedeymo dhowr ah.

Arrimaha lagu eedeeyay Weriye Jamaal Cusmaan waxaa ka mid ah inuu xiriir la leeyahay ururka Al-shabaab kaddib markii la helay wareysi uu ka qaaday afhayeenka ururkaasi Sheekh Cali Dheere xilli uu ku sugnaa degaan ku yaala gobolka Sh/hoose.

Wareysigaas oo laga sii daayay telefishanka Chanel4 ee xaruntiisu ku taalo magaalada London ee wadanka Ingiriiska ayaa sababay in weriye Jamaal Muxumad Cusmaan uu la kulmo cadaadisyo fara badan oo uga yimid dhinaca maamulka Telefishankaasi oo aakhirkii iska ceyriyay.

In ka badan muddo ku dhow 3-sano wuxuu Jamaal wareegayay dalalka Afrika isagoo wixii markaasi ka dambeeyay si iskiis ah ku shaqeysanayay “Weriye madax bannaan” isla markaana wakaaladaha warar ka iibsanayay muuqaallada iyo barnaamijyada uu sameystay.

Mar uu tegay magaalada Kismaayo ayuu wareysi ka qaaday Madaxweynaha maamulka Jubaland, isagoo uga sheekeeyay nacaybka uu u qabo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya, halkaasina ay ku wada saxiixdeen inuu door lixaad leh ka ciyaaro ololihii doorada ee uu mar kale ugu tartamayo madaxweynaha Jubaland.

Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacay doorashooyin iska soo horjeeda, waxaana Madaxweyne Axmed Madoobe oo xilkaasi horay u hayay loogu doortay mar kale inuu hoggaamiyo maamulka Jubaland, halka garabka ka horjeedana Madaxweyne u doorteen C/rashiid Xiddig.

Dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay wakiilkeeda Soomaaliya iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya waxay ka digeen in Kismaayo ay ka dhacdo doorasho aanay ka qeyb gelin qeybaha bulshada iyo siyaasiyiinta, hase yeeshee maamulka Axmed Madoobe hoggaamiyo oo taageero ka helaya Dowladda Kenya ayaa cadaadis xoogan saaray odayaasha beelaha ku dhaqan Jubbooyinka iyo musharixiinta la baxay isbedel doonka ee isaga ka horjeeda.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dareen aan caadi aheyn ka bixiyay habka ay ku dhacday doorashada mar kale Axmed Madoobe loogu doortay Mafdaxweyne, iyagoo baraha bulshada ku xiriirto lagu sii sheegay inuu isagu yahay qofka Madaxweynaha noqonaya.

Heshiiska labada dhinac dhex maray wuxuu wiiqay isla markaana rajo xumo geliyay mihnadiisa Saxaafadeed, bacdamaa weriyaha looga baahan yahay inuusan ku dhex milmin siyaasadaha dhutinaya dalka Soomaaliya.

Runtii aniga shaqsiyan ayaaba ka xishooday inaan idiin soo tebiyo qoraallada uu ku aflagaadeynayo Madaxweyne Farmaajo iyo wararka been abuurka ah ee uu ka sameynayo, waxaana isweydiiyay in caafimaadka maskaxdiisu aanay wanaagsaneyn.

Halkaan ka daawo dood cilmiyeed looga hadlayay siyaasadda Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay hay’adda cilmi baarista iyo siyaasadda SAHAN fadhigeeduna yahay dalka Mareykanka, isagoo ku eedeynaya inuu faraha kula jiro arrimo qabiil kana baxday telefishanka AlJazeera maalinimadii doraad aheyd.

Waxaa Diyaariyay: Jabriil M. Nuur (Jabra)
E-mail: saxafi37@gmail.com
Muqdisho – Soomaaliya