Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay Rag Dil ka gaystay Duleedka Hargeysa

0

Laba ruux ayaa ku dhimatay halka labo kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii ay koox hubaysani ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad u dhashay dalka Itoobiya, kaasi oo marayay duleedka magaalada Hargeysa

Booliska Somaliland ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi dad ku waxyeeloobay ay kasoo jeedeen Itoobiya, kooxdii weerarka gaysatayna ay gacanta kusoo dhigeen

Taliye ku xigeenka Ciidmada Booliska Soomaaliland  Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay kusoo qabteen hawlgal ay ka sameeyeen xaafado ku dhow-dhow  goobtii uu weerarku ka dhacay Saddex nin oo dhacdada weerarka ah ka dambeeyay ayna hadda ku jiraan gacanta Booliska

Dadkan la weeraray ayaa uu Taliyuhu sheegay in ay ahaayeen tahriibayaal kasoo dalka Itoobiya

Dhanka kale taliyaha ayaa sheegay in Saddexdan Nin ee ay soo qabteen ay ahaayeen rag Burcad ah islmarkaasina isticmaala waxyaabaha maanka dooriya kuwaasi oo uu sheegay Ciimada Boolisku ay kusoo qabteen Maandooriye fara badan gurigii ay galeen iyo gaadiid ay wateen