AKHRISO:- Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Magacaabista Cumar Finish

0

Siihayaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir mudane Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim Dheere) ayaa hambalyo u diray Duqa Cusub Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Guddoomiye Mahadale Alle ayaa sheegay in shaqaalaha kala duwan ee Gobolka Banaadir ay Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ku garab siin doonaan mas’uuliyadda horumarinta Gobolka iyo sidii Caasimadda ay u noqon lahayd mid la tartanta Caasimadaha kale ee dunida.

Sidoo kale Guddoomiye Ibraahim Cumar Mahadale ayaa waxaa uu Alle uga rajeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir inuu waafajiyo wixii horumar iyo waxtar u leh Gobolka, siina ambaqaadid guulihii horey loo xaqiijiyey.

“Maamulka Gobolka iyo dhammaan shaqaalaheenna waxa ay kuugu garab siinayaan gudashada masuuliyadda horumarinta Gobolka iyo sidii caasimaddeennu ay u noqon lahayd mid la tartanta caasimadaha kale ee dunida. Guddoomiye, Alle waxaan kaaga rajayn in uu ku waafajiyo wixii horumar iyo waxtar u leh Gobolka, siina ambaqaadid guulihii horey loo xaqiijiyey”ayuu yiri Guddoomiye Mahadale Alle.