AKHRISO:- Dad Ajaanib ah oo lagu dilay duleedka Hargeysa

0

Inta la xaqiijiyay ilaa laba Ruux oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa geeriyootay halka laba kale ay dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen lagu rasaaseeyay duleedka Magalada Hargeysa ee Soomaaliland.

Booliska Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegeen in dadka dhintay oo u dhashay dalka Itoobiya ay ahaayeen tahriibayaal,hayeeshee dhacadaasi weerarka ah la kulmeen.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomalailand Sareeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in rasaaseyntaasi kadib ay sameeyeen howlgal ay kusoo qabteen dadkii ka dambeeyay dilka tahriibayasaha u dhashay Itoobiya.

Waxa uu sheegay in raga weerarka geystay ay galeen Guri aan ka fogeen halka ay weerarka ka geysteen,isla markaana ay gurigaas kasoo qabten saddex Nin oo falkaasi ka dambeeyay & Khamri farabadan oo yaallay & Gaari ay wateen.