AKHRISO:- Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab oo madaafiic isku weeydaarsaday Sh/Hoose

0

Wararka laga helayo Gobolka Shabelelaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Ciidamada Dowladda & Ururka Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah isku weeydaarsadeen deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhiga Ciidamada Dowladda lagu tababaro ee Balli-Doogle,hayeeshee Ciidamada Dowladda dhankooda ay madaafiic ugu jawaabeen.

Goobjoogayaal ku sugan Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa madaafiic ay isweeydaar-sanayeen labada dhinaca, balse aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay maadaama ay aheyd xilli habeen ah.

Garoonka Diyaaradaha Balli-Doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Saraakiil Mareykan ah ay ku tababaraan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,waxaana dhowr mar weeraro madaafiic ah ku qaaday Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda & Ururka Al-Shabaab dhanooda weli kama hadlin weerarka madaafiicda ah oo ay xalay isweeydaar-sanayeen Saldhiga Ciidamada Dowladda ee Balli-Doogle Gobolka Shabeellaha Hoose.