Akhriso:-Ahlusuna oo ka hor-timid in Ciidamo AMISOM la keeno deegaanada Galmudug

0

War murtiyeed ka soo baxay Golaha Sare Ahlusuna Wal Jameeca, kuna saxiixnaa Hoggaamiyahooda Macalin Maxamuud ayaa looga soo horjeestay in Ciidamo AMISOM iyo Ciidamo Soomaaliyeed in la keeno deegaanada Ahlusuna.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in in shirka loo ekeysiiyay Dib u heshiisiinta ay ku baaqday DFS uu yahay mid baalmarsan habraacyadii saxda ahaa, maamulkiisana gacanta loo geliyay dad aan xog ogaal aheyn.

Sidoo kale Ahlusuna ayaa sheegtay inay dowladda Federaalka ay ka caga jiideyso fulinta dhammaan heshiisyadii ay la gashay Ahlusuna.