AKHRISO:-Wasaaradda arrimaha Gudaha XFS oo sheegtay inaysan Aqoonsaneyn Natiijooyinka kala duwan ee kasoo baxay Kismaayo.

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo War kasoo saartay Kismaayo ayaa cadeysay ineysan aqoonsaneyn natiijooyinka kala duwan ee kasoo baxay Kismaayo, kuwaas oo tilmaamaya in shaqsiyaad kala duwan mid walba gaarkiisa u sheegto Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana dhinaca kale Wasaaradda Walaac ka muujisay dhacdooyinka kasoo cusboonaaday Kismaayo ee ku saabsan Is Caleema saarka baalmarsan habraacyada Doorashooyinka, Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.