Daawo Dood Xiiso leh: Maxay Doorashada Jubbaland muhiim ugu tahay Bariga Afrika

0

Telefishinka Al Jazeera, gaar ahaan barnaamijkiisa Inside Story ayaa lagu falan-qeeyay doorashada Maamul Goboleedka Jubbaland iyo xilligan waxa ay muhiim ugu noqotay Bariga Afrika, iyadoo dalalka deriska ay ku hardamayaan gobolkaas muhiimka ah oo la rumeysan yahay inuu kheyraad leeyahay.

Doodan oo uu daadihinayay Wariyaha caanka ah Hashem Ahelbarra ayaa ka sheekeeyay dhacdooyinkii ay soo martay Kismaayo, awoodaha isku haya, waxa uu noqon karo mustaqbalka xaalada Gobolkaas, dadaalka dowladda Federaalka ugu jirto inay maamusho maamulkaas, dalalka ku loolamaya ee deriska ah sida Kenya iyo Itoobiya

Waxaa dooda ka qeyb galay oo falanqeynayay Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo wax ka dhiga Jaamacada Doxa, Matt Bryden oo madax ka ah Machadka Sahan iyo Jamaal Cusmaan oo wariye si weyn u mucaarada dowladda Madaxweyne Farmaajo, taageersan Maamulka Axmed Madoobe.