Daacishta Soomaaliya oo la sheegay in ay u wareegeyso Itoobiya

0

Ururka Daacish qeybtiisa ka dagaallanta Soomaaliya  ayaa sheegay in ay daneynayaan in ay u wareegaan dhinaca dalka Itoobiya halkaas oo ay ka jirto deganaansho la’aan ka dhalatay qowmiyadaha isdiiddan ee dalka Itoobiya.

Muuqaal uu baahiyay Ururka islamarkaana la daawan karo muddo saddex daqiiqo ah kuna baxayay afka Amxaariga ayey baahisay Daacishta Soomaaliya.

Daacish ayaa muuqaalka ay baahisay ku ballanqaadday in ay sameyn doonaan muuqaallo badan oo afka Amxaariga ah sidoo kalena ay dad badan oo Itoobiyaan ah qoranayaan.

Matt Bryden, oo ah falanqeeye arrimaha Afrika ayaa sheegay in Daacish ay u muuqato in ay ka faa’ideysaneyso buuqa iyo kala shakiga ka dhexjira Bulshada Itoobiya ee ka dhashay isbeddelka uu la yimid Abiye Axmed.

Daacish ayaa horay u soo bandhigtay dagaalyahanno u dhashay Dalka Itoobiya oo ku dhintay dagaallada ay uga jirto Soomaaliya waxaana ka mid ahaa dadkaas Abu Zubayr Al-Xabashi.

Daacish ayaa waxaa ay hadda ka dagaallantaa degaannada Maamulka Puntland gaar ahaan buuraleyda Galgala iyo Goolis ee Gobolka Bari.