AKHRISO:- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda oo Digniin u Dirtay Saraakiisha Ciidamada.

0

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sidda Liibaan Cali Yarow ayaa digniin u diray Saraakiisha iyo Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in haddii lagu helo in ay qaab qabiil isku abaabuleen Ciidanka in Maxkamada Sare ee Ciidanka ay marsiin doonto Ciqaab adag.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Askarta Ciidanka dowaldda ay kaga digayaan ka qeyb qaadashadda dagaal beeleedyadda ka dhaca degaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya.

Askar ka tirsan Ciidanka dowladda ayuu sheegay in hadda ay xiran yihiin ka dib markii lagu qabtay falal ka baxsan Sharciga oo la doonaayay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed ee kunool dalka.

Guddoonka Maxkamadda Ciidanka Qalabka sidda ayaa ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ka dib markii Ciidamo ka tirsan Ciidanka xoogga ay Magaalada Baydhabo ku dilay Ganacsade Cali Marguus oo si weyn looga yaqaanay Baydhabo.