AKHRISO:- Kenya oo ka digtay in la carqaladeeyo doorashada Jubbaland (Qoraal loo diray UN-ka)

0

Wasaaradda Arrimaha Dibbada dowlada Kenya ayaa sheegtay in beesha caalamka aysan u dhameyn warka ka soo baxay ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee arrimaha doorashada Jubbaland.

Qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada Kenya ayaa lagu taageeray guddiga madaxa banaan ee doorashada iyo xuduudaha Jubbaland oo isbedel ku sameeyay jadwalkii hore ee doorashada.

“Xildhibaano labaatameeyo ah, saddex kamid ah xisbiyada siyaasada dalka ee ay hogaaminayaan Sheekh Shariif,Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa taageeraya qaabka ay u socoto doorashada Jubbaland.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in dalalka ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya aan laga qeybgelin talada beesha caalamka marka laga reebo dalka Itoobiya oo Wakiilka Qaramada Midoobey uu nuqul ka mid ah u diray Safaaradda Itoobiya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo loo diray Kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Siyaasadda lagu sheegay in weli Wakiilka Qaramada Midoobey uu Guddiga ku soo rogayo shuruudo in la qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland, sidoo kale waxay ugu baaqeen Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka inay kala shaqeeyaan dowladda Federaalka inay ku taageeraan Guddiga Doorashada Jubbaland sidii hannaanka doorasho loogu dhameyn lahaa waqtigii loogu tala galay, taasoo damaanad qaad u noqoneysa in la helo xasillooni siyaasadeed oo ka hana qaada Jubbaland, si loo sii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo in aan la abuurin jawi Al-Shabaab farxad gelinaya

Dowlada Kenya ayaa ka digtey in saacadaha ugu dambeeyay ee doorashada Jubbaland la carqaladeeyo.