AKHRISO:- Axmed Karaash oo Ka Soo Horjeestay Baaq Ka Soo Yeeray Madaxweyne Deni

0

Loolan cusub oo aan la fileyn ayaa soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash, iyadoo loolankan uu soo ifbaxay 8 bil kaliya oo ay Xafiiska wada joogaan.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa qaaday tallaabo kale oo uga soo horjeestay Madaxweyne Saciid Deni, iyadoo maalin ka hor uu ka hor-yimid magacaabidii Guddiga Madaxa bannaan ee doorashada Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland Axmex Cilmi Cismaan Karaash ayaa kasoo horjeestay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo sheegay in wadahadal la galayaan Somaliland.

Axmed Karaash ayaa sheegay in uu kasoo horjeedo in wadahadalo shuruud la’aan ah lala galo Somaliland, waxa uuna cadeeyay in ay ka go’antahay fulinta balan qaadkii iyo waajibaadkii isaga loo doortay.

Qoraalkan kasoo baxay Madaxweyne kuxifeenka Puntland ayaa u muuqda mid looga soo horjeedo baaqii uu dhawaan diray Madaxweynaha Puntland ee ku aadanaa in Somaliland wadahadalo kala galayaan dhulka Puntland ay ka heesato.

Axmed Karaash ayaa ka hor-yimid baaqa Madaxweynaha Puntland ee ahaa inay wada hadalo la galayaan Maamulka Somaliland oo ay isku hayaan deegaano dhowr ah, horayna labada dhinac ku dagaalameen.

Mr Karaash ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay difaacdo xuduudaheeda sida Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana uu xusay inuu ka soo horjeeda wada hadaladii uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland ee aan wax shuruud ah lagu xirin.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka:-