DHAGEYSO:-Jubbaland oo maalmaha soo socda yeelan doonta 2-madaxweyne & Gole Baarlamaan

0

Sida muuqata maalmaha ama bilaha dhow waxaa magaalada Kismaayo looga dhawaaqi doono labo madaxweyne,labo Baarlamaan iyo waliba labo gole Wasiiro,kuwaasi oo midba howshiisa si gaar ah ugu dhaqaaqi doona haddii aan wax isbedel ah ku imaan sida ay hadda wax ku socdaan.

Magaalada Kismaayo hadda waxaa ka jira labo gole Baarlamaanka oo kala taageersan Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha Jubbaland iyo qolo taageersan ama ay ku dhawaaqeen musharaxiinta isbedel doonka ee ka horjeeda Axmed Madoobe.

Xaalad kacsanaan ah iyo fowdo siyaadadeed ayaa ka taagan magaalada,waxaana jira Odayaal ukala birtumaya dhincayada siyaasadda isku haya,kuwaasi oo degan Hotelo iska soo horjeeda.

Wali Jubbaland Axmed Madoobe oo laftiisa musharax kama hadlin cakirnaanta siyaasadeed ee haatan ka taagan Jubbaland,balse wuxuu daaha gadaashiisa ka bixinayaa go’aanada ka soo baxaya Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee Jubbaland,kuwaasi oo lagu eedeeyay iney fulinayaan rabitaanka Hoggaamiyaha Jubbaland.

Dadka siyaasadda u dhuunduleeda ayaa sheegaya in haddii wax iska bedelaan siday hadda wax uga socdaan Jubbaland suurta gal ay tahay magaalada Kismaayo uu ka dhaco dagaal lagu hoobto oo Beelaha Jubbaland isku baabi’iyaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la dhacsaneyn siday doorashada Jubbaland u socoto,waxayna ku dhawaaqday ineysan aqoonsaneyn natiijo kasta oo ka socda doorasho aan loo marin habraaca rasmiga ah oo ka dhacda magaalada Kismaayo.