Duqa Baladweye oo kulan la qaadatay Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay

0

Kulan wadatashi oo ay  is kugu yimaadeen Maayarka Magaalada Beled-weyne  Marwo Safiya Hassan Sheikh Ali Jimcaalle iyo madaxda qaar ka mid ah  Hay’adaha Qaramada Midoobay oo ay la socdeen Saraakiisha ugu sareysa AMISOM ee ka howl gala Gobolka Hiiraan ayaa ka dhacay magaaladaasi oo xarun u ah dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Kulankan oo mudo saacado ah socday ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiim sanaayeen ka miro dhalinta gargaarka bini’aadanimo ee la siiyo dadka Barakacayaasha ah, taabagalinta warshado yar yar oo saacida beeraleyda iyo arrimo kale.

Saraakiisha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa AMISOM ayaa aad ugu hambalyeeyay Maayarka Magaalada Beled-weyne sida ay ugu shaqayso bulshada gobolka waxeyna u balan qaadeen in ay la garab taagan yihiin hirgalinta Mashaariicda wax loogu qabanaayo bulsgada gobolka Hiiraan.

Safiyo Hassan jimcaale Maayarka Magaalada Beled-weyne ayaa ugu mahad celisay Saraakiisha QM iyo kuwa AMISOM sida ay ay xilli walba u cawiyaan Dadka Soomaaliyeed.

Kulanka Mayarka Magaalada Beledweyne iyo Madaxda QM waxaa uu kusoo aadayaa Xili shacabka Magaalada Beledweyne ay la’daala dhacayaan duruufo adag oo dhinaca nolosha ah.