AKHRISO:- Dib dhac ku yimid mar labaad Shirka dib u heshiisiinta Galmudug

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in dib u dhac uu ku yimid Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo lagu waday in maalinta berri ah uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb.

Sidda ay Allgalgaduud u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Maamulka Galmudug Shirka ayaa waxaa ku yimid dib u dhac sababo Farsamo iyo qaar ka mid ah beelaha Galmudug oo aan wali soo dirsan xubnihii shirka ku matali lahaa.

Beelaha Galmudug qaarkood ayaa wali kasoo horjeedda Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug, waxaana Guddiga ay waddeen maalmihii ugu dambeeyay dadaallo kala duwan oo ku aadan qabashadda Shirka.

Waa markii labaad oo dib u dhac ku yimaado Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug tan iyo Markii ay Magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug.