DHAGEYSO:-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Oo Ku Baaqay In La Soo Xero Axmed Madoobe

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xildhibaanada ka tirsan labada golle ee gaaray Kismaayo iney yihiin qaswadayaal.

Waxa uu sheegay in naceybka loo qabo Farmaajo iyo Kheyre aysan wanaagsaneyn in shacabka masiirkooda loo baabiyo niyadana looga jebiyo.

“Xildhibaanada Saaxiibadey ee Kismaayo tagay inaba dhagahooda uma duleelaan in Axmed Madoobe qalad uu sameeyay,hadii aad kala garan weyso naceybka aad u qabto Maamulka Villa Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra”sul Wasaare Kheyre iyo Shacabka aad matasho dhibkeeda ayey leedahay”. ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.

Xildhibaan Jeesoow ayaa sidoo kale sheegay in Axmed Madoobe uu yahay dambiile loona baahan yahay in la soo xero.

“Axmed Madoobe waa dambiile waana in la soo xeraa cid walbo oo la safato waxa loo arkaa qaswado sidoo kale Jubbaland ma ahan boqortooyo.” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.