Wararkii ugu dambeeyay Awdheegle oo dagaal Qadhaadh Shalay ka dhacay

0

Xaalada degmada Awdheegle ayaa saaka ah mid degan, kaddib dagaal ku bilowday qaraxyo oo shalay ka dhacay degmadaas, iyadoo khasaare xoog leh uu ka dhashay dagaalka.

Al-Shabaab ayaa gaadiid qaraxyo ah ku weeraray saldhig Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab ku leeyihiin degmadaas, waxaana qaraxyada kaddib dhacay dagaal culus oo fool ka fool ah.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab, kuna gaarsiiyeen khasaare xooggan.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegay in tobanaan askari ay ku dileen weerarka ay ku qaadeen degmada Awdheegle.

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in labada dhinac uu soo gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dhimasho iyo dhaawac kala gaaray.

Hase ahaatee waxaa la xaqiijiyay geerida sawir qaade ka tirsan Idaacada codka Ciidamada oo lagu magacaabayay Gacal Cabdulle, kaasoo ku dhintay dagaalkii shalay ee Awdheegle.

Ciidamada xoogga dalka ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada deegaanada, waxaana howlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha Awdheegle ku qabteen dad lagu tuhunsan yahay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin.