Qarax Goor Dhow Ka Dhacay Degmada Awdheegle Iyo Rasaas La Maqlayo

0

Wararka aan ka helayno degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in gor dhow halkaas uu ka dhacay gar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Qaraxaan ayaa lagu weeraray saldhig ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin gudaha degmada Awdheegle oo maalmo ka hor laga saaray Alshabaab waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in ay maqleen jug culus.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta madaxa banaan u xaqiijiyay in ay socoto rasaas aan kala go’laheyn oo ka dhaceysa saldhig ciidamada dowladda oo ku yaalla gudaha degmada Awdheegle eegobolka Sh/hoose.