AKHRISO:- Warar ku saabsan doorashadda maamulka Jubbaland

0

Magaalada Kismaayo waxaa Caawa ka bilowday Kulamo u dhaxeeya xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ee ku sugan Magaalada Sidda Madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa.

Ku dhawaad 30 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Jubbaland ee shalay la dhaariyay ayaa Magaalada Kismaayo ka bilaabay in ay kulamo kala duwan la qaataan xildhibaanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Saacaddihii ugu dambeeyay ayaa waxa soo baxayay Musharaxiinta u taagan xilka Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland oo doorashdiisa ay Magaalada Kismaayo ay ka dhici doonto maalmaha soo socda.