SAWIRRO:-Madaxa Xukuumadda Galmudug Oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlayay Amniga Dhuusa-Mareeb

0

Madaxa Xukuumadda maamulka Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta magaalada Dhuusa-mareeb waxa uu kula kulmay saraakiisha kala duwan ee ciidamada dowladda fedraalka iyo kuwa maamulka Galmudug.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay arrimaha ammaanka iyo sida ciidmadu ay u xaqiijin karaan inta lagu guda jiro shirarka dib u heshiisiinta ee dhawaan la filayo in uu ka qabsoomo magaaladaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa lagu wareejiyay amniga Dhusa-mareeb waxaana ay ka mid aheyd heshiis ay horay u gaareen ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Xali Heysre iyo madaxa golaha wasiirada Galmudug iyo hogaanka guud ee golaha Ahlu-sunah Wal-jamaaca.

Sheikh Maxamed Shakir Cali Xasan oo ah madaxa xukuumadda ee Galmudug ayaa u sheegay saraakiisha in masuuliyadi ka saarantahay amniga maadaama iyaga lagu wareejiyay taas oo uu sheegay in ay ku gudan karaan wada shaqeyn ay la yeeshaan shacabka magaalada.