Ciidamo ka socda K/Kuuriya oo ku soo wajahan Soomaaliya

0

Ilaa 300 oo Ciiddamo ah oo la socda Markabka Dagaalka “The Gang Gam Chan” ee ay ku rakiban yihiin Gantaalladda wax burburiya ayaa waxay ka soo shiraacday Dekedda magaalladda Busan ee dalka Koonfurta Kuurya, kuwaasi oo ku soo wajahan Xeebaha Somalia.

Ciiddankaasi oo ah Kooxdii 30-aad ayaa la filayaa inay bisha soo socota ee September u bilaabanto hawlgallo socon doona muddo 6 bilood ah, kaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka Caalamiga ee La-dagaalanka burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Afhayeen u hadlay Ciiddanka Badda ee dalkaasi ayaa sheegay in Maraakiibtii horey u joogay Xeebaha Somalia loo diri doono Gacanka Bersshiya, si ay qeyb uga noqdaan Ciiddanka Isbahaysiga Maraykanka ee ka hawlgeli doona Gacanka Bershiya ee Xeebaha Iiraan

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iiraan, Sayid Cabaas Mosaafi oo la hadlay Wakaalladda Wararka Koonfurta Kuurya ee YONHAP waxa uu ugu baaqay Dowladda dalkaasi inay dhexdhexaad ka noqdaan Khilaafka Iiraan iyo Maraykanka, isla markaana aysan qeyb ka noqonin Isbahaysigaasi.