Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay Xildhibaanada Cusub ee maamulkiisa

0

Hogaamiyaha xiligu ka dhamaaday axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka maamulkiisa

Liiska Xildhibaanadaan waxaa xalay ku dhawaaqay Guddiga Doorashooyinka Jubbaland, kadib markii ay usoo gudbiyeen Ergada kala matalayay Beelaha qaybsaday Xildhibaanada.

Axmed Madoobe waxa uu Hambalyo u diray Xildhibaanada noqday Baarlamaanka labaad ee Taariikhda inta uu dhisan yahay Maamulka Jubbaland soo maray.

Waxa uu u rajeeyay in Xilkooda ay ugu soo baxaan si wanaagsan, isaga oo xasuusiyay in kaalinta kaga aadan hormarinta Bulshada Jubbaland.

Axmed Madoobe waxa uu shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Baarlamaanka Cusub oo gogol dhac u ah Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa.

Ugu dambeyn Hay’adaha Amniga ayuu faray in ay sare u qaadaan sugidda ammaanka Magaalada Kismaayo oo maalmaha soo socda martigelineyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa.