AKHRISO:- Soomaaliland oo ka hadashay Shacab lagu dilay Ceel-Afweyn

0

Maamulka degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay ka hadleen dil Maanta Maleeshiyaad hubeysnaa ay dad Shacabka ugu geysteen bartamaha degmadaas.

Maleeshiyaadka ayaa rasaaseeyay dadka Shacabka ahaa oo ku sugnaa Kaalin shidaal,waxaana la xaqiijiyay inay halkaasi ku geeriyoodeen ilaa 5 ruux halka Afar kale ay weerarkaasi ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha degmada Afweyn ee Gobolka Sanaag Cabdiraxiin Aw-Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dadka dhintay ay kala yihiin saddex Haween ah iyo lab rag ah,halka 4-ta Ruux ee dhaawacantay laba ka mid ah uu yahay dhaawacooda mid culus.

Waxaa uu sheegay in beel ka mid ah maleeshiyaadkii horay ugu dagaalamay degmada Ceel-Afweyn ay weerarka soo qaaday,hayeeshee Ciidamo ka tirsan Soomaaliland la geeyay halka uu weerarka ka dhacay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here