Xubno Al-shabaab ah oo lagu dilay Shabeellada Hoose

0

Ciidammada Xoogga Dalka ayaa Howlgal Qorsheysan waxaa ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka soconayaa inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle.

Inta uu socday howlgala ayaa waxaa dagaal culus uu dhexmaray ciidamada xoogga iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, iyadoona khasaaro xoogan la gaarsiiyay Al-shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka xooga dalka.

Inta la ogyahay 16 dagaalame ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay inta u dhexeysa Bariiri iyo Awdheegle ee ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose.

“Waxaan Howlgal Qorsheysan ku qaadnay deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle waxaana jab xoogan ugu geysannay Al-Shabaab oo iyagu u bareera had iyo jeer daadinta dhiigga iyo dhacca xoolaha shacabka soomaaliyeed, waxaana dilnay 16 dagaalame oo Shabaab ah.” sidaasi waxaa sheegay saraakiisha ciidanka xoogga ee hoggaaminaya howlgala