TOP NEWS:-Khilaaf Soo Kala Dhex galay Gudiga Doorashada maamulka axmed madoobe

0

Sida maanta oo Isniin ah la filayey waxaa lasoo bandhigi lahaa Liiska Xildhibaanada Cusub Ee Jubbaland ayaa dib udhac ku yimid.

Xaalad iyo xiisad ayaa ka taagan Kismaayo oo ka dhalatay warqad uu Gudoomiye Xamse Cabdi Barre udiray sida la sheegay Wakiilka Qaramada Midoobeey ee Soomaaliya James Swan.

Hadaba Warqadaasi waxaa diiday oo sida loo maray Jawaabta la diray aysan ku qancin xubno Gudiga Doorashada.

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Ee Gudiga Doorashada Jubbaland Axmed Cismaan Maxamed ayaa waxa uu shalay soo dhigay Qoraal Bogga gudigaasi isticmaalaan.

Waxay taas keentay in Xalay gurigiisa ay tegaan Gudoomiye Axmed Ciidamo katirsan Jubbaland oo ay ka waayeen.

Axmed Cusmaan Maxamed ayaa u magan tegay sida la sheegay guriga Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Janan.

Lama oga sida ay xaaladu noqon karto,iyadoo khilaafka gudigaan ay kusoo aadeyso xilli la leeyahay waxay farxad u tahay murashaxiinta awalba diidanaa nidaamka Axmed Madoobe uu wax ku dhoodhoobay sida ay sheegeen.