SAWIRRO:-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo bulshada Galdogob la qeybsaday Damaashaadka Ciidda

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa farxadda Ciida la qeybsaday bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Mudane Sadiiq Xirsi oo dhawaan si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Galdogob  ayaa boqollaal dadweyne ah salaadda Ciida Carrafo kula dukaday degmadaasi Galdogob ee gobolka Mudug,wuxuuna alle uga baryaya bulshada in uu horumar iyo baraare uu gaarsiiyo.

Wasiir Warfaa , ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo,wuxuuna bulshada degmada Galdogob iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo wadajir ah in looga shaqeeyo sidii uu dalka usoo kaban lahaa.

“Waxaan go’aansaday inan fasaxa Ciidda uga faa’iideysto inan waqti la soo qaato dadka iyo deegaanka aan ku matalo dowladda dhexe ee gobolka Mudug, waxaan aad idin kugu boorrinaya midnimo iyo wadajir.. waxaan doonaya inan ugu baaqo qof walba doorka uu leeyahay inuu ka qaato dadaalka dib loogu dhisayo dalkeenna.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

Wasiirka ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, wuxuuna inta kaddib socod lug ah ku maray qaybo ka mid ah degmada Galdogob, isagoo marka booqday goobaha nasashada iyo dalxiiska loo tago ee degmada, halkaa oo uu hadallada dhiirrigalin iyo marxabeyn ah kula wadaagay qaybaha bulshada ee degmada oo dhallinyarada ay ugu horreeyaan.

Inta uu joogo magaaladaaso Galdogob wuxuu kulamo wada tashi ah l ayeelandoonaan waxgaradka iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada,isagoona u kuurgalaya xaaladdda bulshada deegaankaasi oo ah deegaan doorashadiisa.