Laamaha Amaanka Puntland oo soo qabtay Askari Boosaaso ku dilay nin Ajinabi ah

0

Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa askari ka tirsan Ciidanka Puntland uu ku dilay Nin u dhashay dalka Kenya .

Ninka la dilay ayaa waxaa in uu ka Shaqeynayay shirkad Kaluumeysi,isla markaana dilkiisa uu ka dambeeyay askari ka mid ahaay ilaaladiisa oo xoogaa khilaaf uu soo kala dhexgalay inta uusan dilin ka hor.

Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dilka Ninka u dhashay dalka Kenya waxa uuna sheegay in mudaa ka sheqaynayay Magaaladda Boosaaso.

Saraakiisha Amaanka Magaaladda Boosaaso ayaa sheegay in ku guulaysteen soo qabashadda askarigii dilka u gaystay ninka Kenyaan ah oo maanta lagu dilay Boosaaso.

”Ciidamadda Amniga Ee Magaalada Boosaso ayaa Gacanta ku soo dhigay Ninkii ka danbeeyay Dilka muwaadinkii u dhashay Dalka Kenya ee Saaka lagu dilay Magaalada Boosaso”.

Saraakiisha amaanka ayaa sidoo kale ka hadlay qarax isla Magaaladda Boosaaso lagu eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Badda Maamulka Puntland.

“Waxaa Fashilmay Qarax loo maleegayay Ciidamada Amniga, Kaas oo lagula Beegsaday Aaga Hotel Boosaso, Iyadoo uu dhaawac fudud ka soo gaaray Askari ka Tirsan Ciidamadda” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Laamaha amaanka Magaaladda Boosaaso.

Ninkaan u dhashay dalka Kenya ayaa la sheegay in uu la shaqaynayay shirkada ka shaqaysa kaluumaysiga oo Xarunteedu tahay Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.