DAAWO:-Madaxweynaha KG oo Guddi u saaray dilalkii ka dhacay Magalada Baydhabo

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) aya guddi soo baara u Magacaabay dhacdadii dadka lagu dilay ee 9-kii Bishaan ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa isgu jira Wasiiro ka tirsan koonfur Galbeed, taliyeyaal Ciidan & Maamulka gobolka Baay iyo kana degmada Baydhabo.

Dilalkii ka dhacay Magalada Baydhabo ayaa waxaa ka mid ahaay dadkii lagu dilay Cali Aadan Marguus oo ka mid ahaa Ganacsatada ugu Caansan deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed.