Dowladda Soomaaliya oo u hanjabtay Shirkado dayacay Xujeyda Soomaalida

0

Wasiir kuxigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah Shirkadihii daabulay Xujeyda Soomaalida inay si qaldan u maamuleen adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa Xujeyda.

Dhuubow ayaa sheegay in Guddi ay u xilsaartay dowladda Soomaaliya kormeerka xaalada Xujeyda Soomaaliyeed inay soo arkeen afar shirkadood oo sameeyay dayacaad weyn.

“Waa nasiib darro in shirkadaha qaarkood inay sameeyaan wax dulmi ku ah xujeyda oo aan habooneyn, waana la xisaabtameynaa, waxay aheyd in shirkadaha u adeegaan xujeydam oo baabuurta u diyaariyaan iyo meelihii ay degi lahaayeen”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shirkadahan afarta ah ee ku kacay qaladka ay la xisaabtami doonaan.

Baraha Bulshada ayaa la soo geliyay sawirro muujinaya Xujey Soomaaliyeed oo dayacan, kuwaasoo aanan helin adeegyadii ay u baahnaayeen, sida goobtii loogu tala galay inay degaan, waxaa la arkayay kuwo badan oo firaash dhulka la dhigay ku fadhiya.