AKHRISO:- 20 ruux oo ku dhimatay duufaan ku dhufatay Shiinaha

0

Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tobneeyo kalana waa la la’yahay, kaddib marki ay duufaanta Lekima maanta billowday in ay garaacdo bariga Shiinaha.

TV-ga Dowlada Shiinaha ee CCTV ayaa sheegay, in dhamaan dadka dhintay ay ku noolaayeen gobolka Wenzhou oo ah halka ay duufaanta ka billaabatay.

Warbaahinta Shiinaha ayaa ku warrantay, in aagga ay duufaanta ku dagatay laga daad-gureeyay ilaa iyo hal milyan oo qof.

Boqllaal duulimaad ayaa la joojiyay, tareennad iyo goobaha dalxiiskana waa la xiray sababo la xiriira hawada aadka u xun ee bariga Shiinaga.

Lekima ayaa ku socoto xawaare dhan 187 km saacaddiiba, waxaana la filayaa in ay u sii jiheysato dhinaca gobolka Shanghai, marka ay dhaafto gobolka Wenzhou.