SAWIRO:- Kulan looga hadlaayay Dagaalka Al-Shabaab oo lagu qabtay Galmudug

0

Taliyaha Qaybta 21aad G/Sare C/Casiis Claahi Cabdi Qeyre ” Qooje” Iyo Abaanduulaha Qaybta 21aad Dhamme Aadan Siyaad Cabdi Ayaa si wadajir ah u Shir Gudoomiyey Kulan Balaaran oo Saraakiisha Qaybta 21aad ka Yeelatey Dardar galinta Howlaha Amniga Deeganada Galmudug iyo Diyaarinta Qorshaha lagu Xoreynayo Deeganada Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Taliyaha Qaybta 21aad G/Sare C/Casiis Claahi Cabdi Qeyre ” Qooje” ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa mid weyn oo looga hadlayay Ammaanka degaanada maamulka Galmudug, islamarkaana dhawaan ay qaadi doonaan howlgal weyn.

Waxaa uu saraakiisha Ciidanka ku wargaliyay in ay isku diyaariyaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada maamulka Galmudug, waxaa uu intaa ku daray in Ciidanka dowladda ay tilaabo ka qaadi doonaan Odayaal dhawaan aaday Al-Shabaab oo Ergooyinkii ka mid ahaa.