AKHRISO;- Isu soo bax loogu duceynayo Marxuum Eng. Yariisow oo Maanta la qabanayo iyo Garoon loogu magac darayo…

0

Waxaa maaanta oo jimce ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Isu soo bax weyn oo loogu duceynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii magaalada Muqdisho oo todobaadkii hore u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax 24-kii bishii hore ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir.

Munaasabadda ducada ah ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madaxda ugu sareysa dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweyne fara badan, waxaana ay maanta ka dhici doontaa Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis Stadium ee degmada C/casiis.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa diyaar garow ka socday garoonka ay ka dhaceyso isu soo baxa, halkaasoo bannaanka garoonka la dhigayay dhagaxa la isku rakibo ee loo yaqaano Enter-Log, sidoo kale waxaa Taalo laga dhisi doonaa garoonka bannaankiisa.