AKHRISO:- Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ka hadlay caqabado ka jira habsami u socodka ganacsiga Suuqa

0

Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay caqabado ka taagan suuqa, kaasoo saameyn weyn ku yeeshay habsami u socodka howlaha ganacsi ee Suuqa.

Ganacsatada ayaa cabasho ka muujiyay xaaladaha nadaafadda, amniga, xirnaanshaha waddooyinka soo gala suuqa, sidoo kalena ay jiraan hoggaan aysan iyaga dooran oo kor looga keenay, isla markaana aanay ka mid aheyn qeybaha kala duwan ee Ganacsatada Suuqa.

Cismaan Khaliif Abtidoon oo kamid ah Gudoomiyaasha Qeybaha Suuqa Bakaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha uu ka jiro hogaan ay isku raacsan yihiin dhamaan ganacsatada Suuqa .

Ganacsadahan ayaa sheegay in aan la magacaabi karin hoggaanka Suuqa Bakaaraha, balse uu ku imaan karo doorashada qeybaha kala duwan ee Suuqa ka kooban yahay, waxa uuna tilmaamay in ganacsato iyagu xushaan ruuxa hogaaminaya ayna ku aaminayaan masiirkooda .

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Maxamed Sheekh oo katirsan qeybta dhismaha ee Suuqa Bakaaraha ayaa isna sheegay in ganacsatada Suuqa Bakaaraha yihiin kuwa isku xiran oo maamul leh, waxa uuna ka digay in qof la magaacbo aysan ganacsato raali ka aheyn lagu qasbo

Ganacsade Xuseen Warsheekh oo isna ka hadlay kulanka g ayaa ugu baaqay in Ganacsatada Suuqa ay mid ahaadaan si aan faragalin loogu sameyn, waxa uuna ugu baaqay in dadka doonaya in ay faragalin ku sameeyaan hogaanka ganacsatada Suuqa in ay ka laabtaan qorshahooda guracan

Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha uu ka kooban yahay 7-qeyb ayna qeyb walbo soo doorato hogaankeeda, waxa uuna xusay in qof walbo oo hogaanka kamid noqonaya laga doonayo shuruudo dhowr ah in uu soo buuxiyo.