SAWIRRO:-Wasaaradda Qorsheynta XFS oo kulan wadatashi ah la qaadatay ganacsatada

0

Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga [SOMINVEST] oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa qabatay shir loogala tashanayay Ganacsadata Soomaaliyeed oo ay hor-kaceyso Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Waxaa shirka kasoo qeyb galay ganacsato ay ka mid yihiin Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, Ganacsatada Warshadaha, Beeraha, Xoolaha, Kalluumeystada, Dalxiiska iyo Martigelinta iyo sidoo kale Dhismaha.

Ujeeddooyinka shirka ayaa ahaa; in la qoro ahmiyadaha maalgashi ee ku habboon maalgashi shisheeye iyo wada shaqeynta hey’adaha dhiirigelinta maalgashiga
Falanqeyn dheer kadib, waxaa la soo bandhigay qeybaha ku habboon maalgashi shisheeye iyo sida loo xaqijin karo ilaalinta maalgshade-yaasha shisheeye.

SOMINVEST waxa ay 24kii bishii Luulyo, 2019 qabatay shir lagala tashanayay hey’adaha Dowladda Federaalka ah Istiratiijiyadda Maalgashiga Qaranka. Sidoo kale 6dii Ogoosto waxa ay SOMINVEST la sameysay wadatashi Dowlad Goboleedyada. Maanta oo ay taariikhdu tahay 7da Ogoosto, 2019 waxa la qabtay wadatashi lala yeeshay Ganacsatada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan.

Waxaa soo idlaaday wadatashiyada Istiratiijiyadda Maalgashiga Qaranka, waxaana la marin doonaa hannaanka xaqiijinta [validation process] daruuriga ah ka hor inta aan la hor-geyn Golaha Wasiirada si ay uga doodaan una ansixiyaan.

SOMINVEST waxa loo igmaday in ay dhiiro geliso Maalgashiga Shisheeye, soo bandhigista muuqaal wanaagsan oo ku saabsan Soomaaliya, iyo u uloleynta siyaasadaha sare u qaadaya maalgashiga shisheeye.