AKHRISO:- Mareykanka oo war kasoo saaray doorashadda Jubbaland

0

Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay doorashadda lagu waddo in ay ka dhacdo dhamaadka Bishaan Magaalada Kismaayo ee Jubbaland waxaana ay sheegtay in ay muhiim tahay in doorashadaasi noqoto mid ku dhacdo si xor ah oo kalsooni ku jirto.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Morgan Ortagus, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay rajo badan ka qabto doorashadda maamulka Jubbaland in ay noqo mid lagu wada kalsoonaankaro.

Waxaa uu sheegay in kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda, David Hale kulankii uu kulan kula yeeshay Muqdisho ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uuna kala hadlay sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Afhayeenka ayaa xusay in dowladda Mareykanka ay ka go,an tahay dadaallada is-beddellada siyaasadeed, horumarinta dhaqaale iyo xasilloonida Soomaaliya.

Muran badan ayaa ka taagan doorashada lagu waddo dhammaadka Bishaan in ay ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee Jubbaland waxaana Musharaxiinta qaarkood ay sheegeen in loo diiday Magaalada Kismaayo in ay taggaan.