AKHRISO:- Ra’iisul Wasaaraha Falastiin Oo U Hanjabay Israel

0

Ra’isul-wasaare Maxamed Shatayeh waxa uu ku goodiyey inuu ballaarin doono Maamulka Falastiin iyo gacan-ku-haynta Ammaanka dhulalka Daanta Galbeed.

Waxa uu sheegay inay Tallaabadaasi kaga soo horjeedaan Xadgudubkii ay Israel dhawaan ku samaysay Heshiiskii labada dhinac ee maamulista Xuduudaha lagu murunsan yahay.

“Israel ma xushmeyso heshiis kasta oo ay saxiixeen ee Xuduudaha dhulalka la-haysto ee Falastiin” ayuu yiri Ra’isul-wasaaraha Maamulka Falastiin, oo intaasi ku daray in ay wada-xaajood ka geli doonaan dhulalka ay Dowladda Falastiin leedahay, oo ay ku jirto Bariga magaalladda Quddus-ta La-haysto.

Hadalkiisa ayaa waxa uu jawaab celin u ahaa Tallabadii ay ciiddanka Israel isbuucii hore ku burburiyeen dhismooyin ay dad Reer Falastiin lahayeen oo ku yaalla Deegaanka Waadi Humus ee Bariga Quddus oo hoos taga Maamulka Dolwadda Falastiin ee magaalladda Ramalah.

QM, Midowga Europe iyo dalal ay Sacuudifa ka mid tahay ayaa si kulul u cambaareeyey Tallaabadi iay Askarta Israel ku burburiyeen dhismayaasha ay dadka Reer Falastiin lahaayeen.