AKHRISO:- u-Dhawaad 20 Qof Oo Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Qaahira

0

Ugu yaraan 19 qof ayaa geeriyootay, 30-kalena wey ku dhaawacmeen qarax ka dhacay duleedka Machadka Kansarka oo ku yaalla Bartamaha Qaahira.

Hadal-qoraal oo ay Wasaaradda Caafimaadka soo saartay Waaberigii hore ee saakayto oo Isniin ah ayaa lagu xaqiijiyey inuu qaraxaasi ka dhashay, kadib, markii uu gaari ku socday seed kale uusan lahayn uu si xawli ah ugu dhacay 3 gaari, taasi oo sababtay inuu ka dhaco qarax xooggan oo olol watay

Muuqaal baraha Bulshadda si toos ah loo soo dhigay ayaa laga dheehan kara GaadiidkaDab-damiska oo ku hawlan inay xakameeyaan dabka oo khasaaro u geystay dhowr gaari.