AKHRISO:- QM Iyo Midowga Oo Sheegay In Aysan Weeraradda Sii Kordhaya Wax U Dhimi Doonin Deganaanshaha Somalia

0

Wakiiladda Khaaska ee QM iyo Midowga Afrika u jooga Somalia, James Swan iyo Francisco Madeira waxay ka tacsideeyeen geeridii Guddoomiyihii Gobalka Banaadir, ahaana Duqa Muqdisho, Marxum C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” oo Khamiistii la soo dhafaay u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray qarixii bishii hore ee July 24-dii lala beegsaday Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

James Swan iyo Francisco Madeira waxay sheegeen in weeraradda sii kordhaya aysan wax u dhimi doonin dadaalka Deganaanshaha Somalia, waxayna ku baaqeen in la soo qabto kuwii ka dambeeyey geerida Guddoomiyihii Maamulka Banaadir.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, James Swan waxa uu sheegay in la sii wado hawshii Marxuum Yariisow, isla markaana kuwii ka dambeeyey la hor geeyo Caddaaladda.

Dhinaca kale, Qoraal uu soo saaray Ergayga Khaaska ee Midwoga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Francisco Madeira waxa uu ku sheegay inay DFS iyo saaxiibadda kale kala shaqeyn doonaan sidii Dowladda Somalia looga taageeri lahaa sidii lagu soo celin lahaa Deganaanshaha iyo Nabadda Somalia.