AKHRISO:- Diyaarad sidey meydka Cabdiraxmaan Yariisow oo soo gaartay Muqdisho

0

Waxaa goor dhow soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho diyaarad sidey meydka allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Cumar oo goor dhow lagu aasayo magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan boqolaal ruux oo ka qeybgalaya aaska meydka Marxuum Yariisow kuwaasoo ay ku jiraan madaxda ugu sareysa dalka.

Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Yariisow ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Doxa ee dalka Qadar kadib markii uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay dhowaan magaalada Muqdisho.