AKHRISO:- Dowladda Seychelles oo Cambaareysay Somaliland

0

Dowladda Seychelles ayaa Cambaareysay go’aankii ay somaliland ku sii deysay 19 maxbuus oo horay lagu xukumay eedeymo la xariira Burcad badeednimo, islamarkaana degaanada Somaliland loogu tala galay in ay ku dhameystaan xukunka lagu riday.

Dowladda Seychelles Waxa ay sheegtay in Somaliland ay ka baxday heshiis ay horay ula gaartay maamulka Somaliland, kaasoo ku aadan in Maxabiista Soomaalida ah ee lagu xukumo eedeymaha Burcadbadeednimada in lagu haayo Xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa.

War kasoo baxay Wasaarada arimaha dibada Seychelles ayaa lagu sheegay inay layaab ku noqotay talaabada ay somaliland xoriyadooda ugu fasaxday maxaabiistan burcad badeednimada ku xukunaa.

Wasaaradda ayaa xustay in maxaabiistani ay ku xukunaayeen xabsi u dhaxeeya 30,36 ilaa 42 sanadood, islamarkaana hadda ay xirnaayeen kaliyaha 9 Sanadood.

“sanadkii 2011 Waxaan kala Saxiixanay heshiis isfaham oo la xiriiray iswaydaarsiga maxaabiis xukuman, sanadkii 2012 maxaabiis gaaraya 19 ayaanu ku wareejinay hay’addaha maamula xabsiyada somaliland si ay u dhamaystaan xukunka ku dhacay Shaacinta sii daynta maxaabiistu waxay nagu noqotay la yaab sababtoo ah waa ficil la qaaday iyada oo aan waxba nalaga ogaysiin” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda.

Dowladda Seychelles waxay sidoo kale sheegtay in ” Talaabadani waxay ka soo horjeeda heshiiskii isfaham ee aanu la saxeexanay somaliland.