DHAGEYSO:-Tababar looga hadlayo Federaalka oo lagu soo gabagabeeyay Kismaayo

0

Tababarkaan oo lagu baranaayey nidaamka Federaaliisimka islamarkaana socday muddo labo cisho ah ayaa lagu soo gaba-gabeeyey Hotelka Makka ee magaalada Kismaayo.

Tababarka waxaa soo qaban qaabisay Wasaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Jubbland, dad ka socday qaybaha bulshada oo ay kamid yihiin Odayaasha dhaqanka,Dhalinyaro,Haween iyo Aqoonyahanno ayaa faa’iideystay tababarka, waxaana inta uu socday lagu qaatay casharro kala duwan oo ku aadan sida uu u shaqeeyo nidaamka federaalka.

Xiritaanka tababarka waxaa ka qayb galay masuuliyiinta Wasaaradda Dastuurka Jubbaland, Wasiirro katirsan Dowlad-goboleedka Jubbaland iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xariirka caalamiga ah ee Jubbaland Aadan Ibraahim Aw Xirsi oo goob joog ka ahaa xafladda xiritaanka tababarka ayaa dardaaran u jeediyey dadkii tababarka ka faa’iideystay.

Wasiiru Dowlaha Wasaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Jubbland Axmed Xassan Sitiin ayaa sheegay in muhiimadda tababarku ay tahay sidii bulshadu u fahmi lahayd sida saxda ah ee uu shaqeeyo nidaamka federaalka.

Markii tababarka lasoo xiray ayaan qaar kamid ah dadkii tababarka la siiyey waxay faah faahin naga siiyeen carashada ay ka faa’iideen tababarka.