Xukuumada Hogaamiye Biixi Oo Xabsiga Dhigtay Saxafiyiin Hargeysa Ka Hawl Gala

0

Maamulka Soomaaliland ayaa xabsiga dhigay afar ka mid ah weriyeyaasha madaxa banaan ee ka hawl gala caasimada Hargeysa.

Sida ay sheegayaan wararku  xukuumada ayaa saldhiga degmada Ibraahin Koodbuur ku xidhay afar suxufi oo ka hawl gala telefishanka Eryal.

Suxufiyiintan oo kala ah Badri Kosar, Cabdiraxmaan Fantastic, Caydaruus Maxamed iyo sawirqaade Kamaal Cabdi ayey wararku sheegeen in la xidhay ka dib markii ay isku dayeen inay warbixin ka duubaan  ardey cabasho muujineysay

Ciidamada boolisku ilaa hada kamay hadal sababta keentay in la xidho suxufiyiintan.