Xildhibaan Ciyaar-jecel oo Sheegay in Dhibka Haysta Somalia uu ku Jiro Xal Loo helo Galmudug

0

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo ka mid ah Baarlamaanka federaalka Soomaliya oo ka hadlayey safarka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee Dhuusamareeb ayaa sheegay in weli Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu ku mashquulsan yahay xaaladda maamulka Galmudug oo uu tilmaamay inuu ku jiro xalka Soomaaliya.

Xildhibaan Ciyaar-Jecel ayaa sheegay in dhibka Soomaaliya uu ka yimaado Galmudug, islamarkaana ay muhiim tahay in xal laga gaaro khilaafka la dagay maamulkaasi. “Haddii Galmudug xal loo helo Soomaaliya xalbaa loo helay ayaa la yiraahdaa “ ayuu yidhi Xildhibaan Ciyaar Jecel.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in uu jiro fashil amni, Wuxuuna ka dalbaday madaxda dowladda federaalka in ay la yimaadaan isbedal dhab ah oo looga hortagayo falalka liddiga ku ah nabad geylada.