Wafdi Ka Socda Dowladda Federaalka Oo U Duulay Magaalada Garoowe

0

Waxaa Goordhow Garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ka ambabaxay Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,iyagoo kusii jeeda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Wafdiga Guddoomiye Abshir Maxamed Axmed Bukhaari ayaa waxaa qeyb ka ahaa Senataro ka tirsan Aqalka Sare ee dalka iyo hoowlwadeeno kale,kuwaasi oo saacadaha soo socda tagaya Magaalada Garoowe.

Ujeedka Wafdi uu hogaaminaayo Guddomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare u tegayan Garoowe ayaa waxaa ay tahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Xuska markii la aas aasay Dowlad Goboleedka Puntland oo maalmo kooban ay ka harsan tahay.

Shalay waxaa halkaas gaaray Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka,iyagoona Garoowe kaga qeyb galaya Sanadguurida dhismaha dowlad Puntland.