SAWIRRO:-Munaasabad lagu soo bandhigay xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya oo lagu qabtay New Delhi

0

Munaasabad ka dhacday Magaalada New Delhi ee Dalka Hindiya ayaa lagu soo bandhigay Magazine (Wargeys) ay soo saarto Safaaradda Soomaaliya, kaas oo lagaga hadlo xiriirka qotada dheer ee Labada Dal iyo guud ahaan Waddamada Afrika.

Munaasabadda oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan Dowladda Hindiya,  mas’uuliyiinta Safaaradaha Qaaradda Afrika ee New Delhi iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Hindiya,Ambassador; Ebyan Maxamed Saalax Ladane, oo goobta ka hadashay ayaa Bulshada Labada Dal kula dar-daarantay in ay ilaaliyaan xiriirka wanaagsan ee Labada Shacab.

Waxanay sidoo kale sheegtay in ay Safaaradda Soomaaliya iyo kuwa Waddamada, Carabta iyo Afrikaba ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Dowladda Hindiya, iyadoo ballan qaadday in ay intaa kasii xoojin doonaan waqti dhow.